X

Ma dhabaa in 15% heshiiska dekeda Berbera ay u gacan galayso qoyska Siilaanyo iyo wasiirada beeshiisa

Ma Dhabaa In 35%-Ka Somaliland Ka Helayso Heshiiska Dekeda Ay 15% Ku Hagaagayaan Qoyska Madaxweyne Siilaanyo Iyo Qaar Ka Mid Ah Wasiiradda Ka Agdhaw

Inkasta oo aan si fiican looga wada bogan oo aanay dibada usoo wada bixin waadixnimada nooca uu yahay iyo sida uu u dhigan yahay Heshiiska Dekeda Berbera ee Shirkada DP-World kula wareegayso,Haddana Tibaaxaha hor dhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in dhinaca Somaliland sheerka ay ka helayso heshiiskaasi ee ah 35%-ka isaga laftiisana si gaar ah qorshe looga gaadhay oo meel lagu tiiriyay.
Illo-Wareedyo u dhuun daloola Heshiiskaasi oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in shareka 35% – ah ee ay Somaliland ka helayso Heshiiskaasi 15% ka mid ah uu toos ugu dhacayo qoyska Madaxweyne Siilaanyo.
Oo uu uga wakiil yahay Wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo Sodogga u yahay Baashe Cawil Cumar,halka warbixinta lagu sheegay inuu kula jiro heshiiskaasi dambe ee qaybiska 15%-ka Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo la sheegay in wax looga ogolaaday Percentage-kan qayb ka mid ah. Warar kale ayaa sheegaya in Wasiirka Hawlaha guud Cali Mareexaan uu isaguna kula qayb ku leeyahay.

Sida warbixinta lagu sheegay Waxa qasnada dawlada ku dhacaysa oo Somaliland-ta kale u hadhaysa 20% ka hadhay,taasi oo sida la sheegay iyadu toos ugu dhacaysa Qasnada Dawlada.

Lama garanayo waxa laga yeelayo lacagtan Qoyska Madaxtooyadda iyo Halka ay ku dambayn doonto kadib doorashada madaxtinimada Somaliland ee dhacaysa 2017-ka,balse Sida la aaminsan yahay waxay Qoyska Madaxweyne Siilaanyo gunta u giijisteen inay soo saaraan Madaxweyne iyaga taabacsan oo ka dambeeya oo u illaaliya Danaha iyo Ilaha Dhaqaale si ay ugu sii socdaan oo ay umaalaan
Xigasho:Wargeyska Foore

 

admin:

This website uses cookies.