X

Ma jirto cadayn in cudurka Koroona ay gudbiyaan dadka bilaa astaamaha ah: Khuburo Shiine ah

Ayadoo muran badan uu ka jirey in dadka lagu sheego caabuqa Koroona laakiin aan lahayn astaamaha hargabka lagu garto inay sii gudbin karaan cudurka, ayaa hadda Khuburo Shiine ah xaqiijeen in qoraalkaas waxba ka jirin.


“Ma jirto in dadka cudurka qaba laakiin aan muujin calaamadaha lagu garto ay u sii gudbin karaan dadka kale ayuu yiri caalim wax ka dhiga jaamacad ku taal magaaladii cudurka ka qarxay ee Wuhaan.


Inkastoo cudurka lagu sheego inuu Shiinaha ka qarxay qaasatan magaalada Wuhaan haddana waxa la ogaadey in bulaacadaha Talyaaniga uu ku jirey cudurkani bishii sagaalaad ee sanadkii hore.


“Dadka degan magaalada Wuhaan ee aan lahayn calaamadaha cudurka waxaan ogaanay inayna sii faafin, Tani waxay ka dhigan tahay in cudurka la faafin karo oo keliya marka calaamadaha ay soo baxaan sida qufac iyo xumad saa’ida.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.