X

Ma khalad ayaa dhacay doorashada Somaliland mise horaa loo ogaa: arag tirada Kulmiye

Ma khalad ayaa dhacay doorashada Somaliland mise horaa loo ogaa. Doorashadii ka dhacday usbuucan Somaliland waxa dadku filayeen inay noqoto midii ugu roonayd intii doorashooyinku dhacayeen laakiin sidaa ma noqon.

Waxa la filayay in awoodo shisheeye soo farogeliyaan laakiin qofna ma sugeyn inay hore u tashadeen qaabka loo wajahayo. Wax walba cadi ayay u socdeen ilaa maalintii codeynta.



Waxase dhacay maalintii codeynta kadib in isla markiiba booliisku xirey korjoogeyaashii xisbiga Wadani meelo badan oo ka tirsan gobolada Awdal iyo Hargeysa.

Waxa isla habeenkii doorashadu dhacay la sheegay inay xarumo yaaleen sanduuqyo ay ka buuxaan waraaqo been abuura oo loogu ridey xisbiga Kulmiye.



Waxa sidoo kale Hargeysa yaalay 14 ilaa 18 sanduuq oo ay ku jiraan codad intoodii ka badan. Markii xisbigu cowday waa la iska indhatirey iyadoo xisbiga Waddani aad uga horeeyay Kulmiye tirintii ugu horeysay laakiin lagu hakadey Hargeysa oo ay yaaleen codadka been abuurka.



Hoos ka arag codadka xisbiga Kulmiye suuqa iimaylada ay ku wadaagayaan

Si kastaba ha ahaatee gudiga doorashada Somaliland awood iyo khibrad umalaha ay ku baaraan ku shubashada aan sidaa u cilmiyaysneyn ee ka dhacdey Hargeysa.

Waxaad tirada sare ku arkaysaa in gobolada qar sida Sool iyo Sanaag uu tiro dheeraada ka helay Kulmiye, waxase lama filaan noqotey in Kulmiye gobolka Awdal ka helo codad ka badan kuwa Wadani.



Haddi la rabo in gobolkan laga badbaadiyo dagaal waxa haboon in doorashada lagu celiyo oo aan lagu dhawaaqin tiro sidaasa oo loo wada jeedo inayna sax ahayn.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.