Ma ku wareejin lahayd ganacsigaaga nin bilaa guri ah oo horseexda meheradaada adigoo leh caruur una soo samray sanado badan in aad keento halka ganacsigaagu gaarsiisan yahay. Wayse dhacdaa sida sheekadan hoose tilmaamayso.
Nin Fransiisa oo lagu magacaabo Michel ayaa ganacsi rootiile ama furinle ku lahaa dalkaasi Faransiiska, ganacsigaas oo uu in muddo soo dhisayay markii dambena meel fiican gaarsiiyay.
Waxase ganacsigiisa hortiisa horseexda nin bilaa guri ah oo lagu magacaabo Jerami xilliga uu xiran yahay. Michel oo ah ninka leh rooti sameeyaha ayaa ka dhexlay ganacsiga aabihii markii uu jirey 14 jir.
Subax walba marka Michel yimaado ama furayo meherada wuxuu salaami jirey Jerami wuxuuna u keeni jirey koob bun ah iyo cusheer uu quraac ka dhigto oo kulul.
Waxase dhacay maalin in qalabka rootiga sameeya uu sii daayay gaas suna oo aan la arkin lana urin laakiin ku dilaya. Gaaska noocaasa ayaa loo yaqaan af-Ingiriis Carbon Monogsaydh (Monoxide) wuxuuna aad ugu badan yahay wadamada isticmaala kululayliyaha ama shay kasta oo ku shaqeeya gaas.
Dalkeena waxa gaas sidaasa sii daaya faynuuska iyo dhuxusha hadaan la siin hawo ku filan lagana yaabo in aadan hurdada ka toosin. Si kastaba ha ahaatee Michel waxa ku dhiftey gaaskaas wuxuuna hadda u muuqdaa nin sakhraansan.
Nasiib wanaag waxa u jeeda Jerami oo ah nin bilaa guri ah horfadhiyana meherada uu leeyahay Michel oo hadda gaasku haleelay. Jerami oo ah nin wax fahmaya ayaa dareemay in Michel wax ka si yihiin wuxuuna u orday xagiisa mise neeftaa ku dhegsan wuxuuna isla markiiba dalbey gaadhi gurmada.
Gaadhigii gurmadka ahaa ayaa u yimi waxase cadaatey in Michel uu ku jiro xaalad halisa, waxana uu isbitaal ku jirey 12 cisho si naftiisa loo badbaadiyo maadaama gaasku ku dhiftey neerfaha, halkaana waxa ku badbnaaday Michel.
Michel wuxuu go,aansadey in uu dib ugu soo noqdo shaqadii wuxuuna u mahadceliyay Jerami oo ah ninkii bilaa guriga ahaa ee badbaadiyay, wuxuuna ugu deeqay in uu shaqada ka siiyo mid aan joogto ahayn.
Gabdho uu dhalay way diideen in ay la wareegaan ganacsiga. Michel oo ah nin shaqada ku adag wuxuu ka yaabay kartida ku jirta Jerami, wuxuuna go,aansaday in uu meherada Jerami kaga iibiyo hal Yuuro oo ah lacagta reert Yurub.
Sheekadan waxaan kale oo aan ka fahmi karnaa in aadan dhayalsan ama yaraysan bani aadamkaRABI abuurtey noloshey doonaanba haku jiraane.
Soo koobistii Rashid Ceelaanyo
ARAABINEWS