X

Madaxweyne Farmaajo oo kulan dhiiri gelina la qaatey dhaqaatiirta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan dhiiri gelin ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee dalka, baahiyaha jira iyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo cudurka Kooro la qaatay qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurkan.


Kulankan oo ku qabsoomay khadka internetka ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay kula wadaageen Madaxweynaha warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalkeenna iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata bixinta dadkeenna..


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dhakhaatiirta, Kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.


“Waxa aad noola mid tihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay cadawga uga difaacaan dalka. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida halyeeynimada ah, daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.”

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.