X

Maamul jufeedyada Koofurtu maxay awooda oo leeyihiin oo ku mijoxaabin karaan dawlada dhexe

Maamul jufeedyada Koofurtu maxay awooda oo leeyihiin oo ku mijoxaabin karaa dawlada dhexe. Waxa Somaliya dawlad dhexe oo dalka matasha waxase jira maamul jufeedyo ka hoos carara.

Dawlada dhexe waxa ku jira dhamaan qabiilada Somaliya haka badsadaan tirade ugu jirta waxayna dad badan iswaydiinayeen sababta loogu baahdey maamul jufeedyo kaliya ku nool xoola masaakiinta.



Waxa baryahan aan aragney maamul jufeedyo jecel in loogu yeerro dawlad oo hoos carara dawlada ayagoo u maleeya in ay ka awood badan yihiin dawlada.

Dawlada ayaa aad u tabar daran laakiin kama taag darna maamul jufeedyada jira oo intooda badan amoonkooda ay ilaaliyaan wadamada jaarka ah sida Itoobiya.



Wadamada ku dhexjira Somaliya ee qaska wada ayaa ku bixiya lacago dheeraada sidii ayna dalka uga dhalan dawlad xoogan waxayna  lacago siiyaan mamul jufeedyada Puntland, Galmudug iyo Shariif Xasan.

Waana sababta keentay in ay war qoraalo soo saaraan iskuna dayaan in ay ku mijoxaabiyaan go’aanka dawlada ee ku jeeda kibirka Sucuudiga ee ku aadan Qadar.



Cunaqabatayta hubka ee saaran ee Somaliya ayaan u saamaxay in dalku is difaaco.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.