X

Maamul jufeedyada ma saxiixi karaan arin ciidan iyo mid milatari: wasiir hore

Maamul jufeedyada ma saxiixi karaan arin ciidan iyo mid milatari oo caalami ah waxa sidaas Farmaajo uga digey wasiirkii hore ee amniga ee dawladii fadhiidka ahayd ee Cumar C/rashiid.

Wasiirkii Amniga ee xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay gali karaan heshiisyada qaar, balse aysan gali karin heshiisyo looga baahan yahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay saxiixdo.

Wuxuu tusaale usoo qaatay in maamul jufeedyada aysan saxiixi karin ama aysan gali karin heshiis ku saleysan dhanka ciidamada iyo saldhigyada meletari, maadaama heshiisyadaasi ay gali karto dowladda dhexe oo kaliya.


Hadiise ay dhacdo waxa imanaysa in lagu xadgudbey dastuurka. Dastuur dhoodhoobka ayaa inta badan lagu tuntaa maadaama uuna ahayn mid Somali soo qoratey ee uu yahay mid laga soo kobigareeyay dastuuro shisheeye.

”Maamul jufeedyada awood umalaha inay galaan heshiisyo ciidan, Dhamaan Heshiisyada kalena waa in laga talo geliyaa Dowladda Federaalka fiiri qodobka 54-aad ee Dastuurka”ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.