Maamulada Puntland iyo Jubba ayaa ka hadley ismari waaga ka Jira soo jeedinta ka dhanka Jawaari oo ilaa hadda u muuqda mid lagu diidan yahay sharciga iyo kala dambeynta.
Ku xigeenka Axmed Madoobe ee maamulka Jubba Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay inay ceeb iyo fac-shir ku tahay is-qab-qabsiga dhexdooda ka taagan oo loo baahnaa inay xal ka gaaraan inta uusan soo gaarin heerka uu hadda taaganyahay.
Way fududahay in xal la gaaro haddii ay raacaan nidaamka xeer hoosaadka ee u degsan golaha ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.
Maamulka Cabdiwelli Gaas ee Puntland ayaa iyaguna sheegay ” in waxa ka socda Muqdisho uu wax u dhimayo jiritaanka dawladnimo ee dalka loona baahan yahay in la dhameeyo.
Ilaa hadda ma muuqato in si caadi ah loo imaan karo loona gudbin karo soo jeedinta ka dhanka ah Jawaari taasi oo baajisay hawlihii yaraa ee at qaban jireen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS