Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dhalinyaro kala afduubtey. Sida aan wararka ku helayno dhalinyaro ka soo jeeda Somaliland ayaa lagu afduubtey meel u dhow Tukaraq.
Dhalintan ayaa la sheegay inay ku socdaan Garoowe si ay u soo qaataan baasaboor Somaliga oo maamulka Somaliland diidey in laga bixiyo goboladeeda laakiin ogol in loo tago Puntland.
Dhinaca kale degmada Caynabo ayaa Iyana laga afduubtey dhalinyar hawlo shaqo u joogey oo ka soo jeeda Puntland. Dadka caadiga ah ayaa cambaareeyay hadalo aad u fooolxun oo ka soo yeeray Faysal Cali Waraabe iyo afhayeenka Puntland ee QuranJecel.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleedyo ay gaysteen afduubkan. Labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaa Somalidu ugu baaqeen inay joojiyaan dagaalka aan natiijo laga gaarayn.
Ilaa hadda wax faahfaahina lagama hayo maamulada Muuse Biixi iyo Cabdiwelli Gaas kuna saabsan afduubkan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS