Maamuladii ku shirayay Kismaayo ayaa war ka soo saaray kulankoodii mudada dheer qaatey. Maamuladan gaarayay shanta oo qaarkood muran ka taagnaa in ay yihiin madaxda saxda ayaa warmurtiyeed soo saaray.
Maamuladan ayaa lagu eedeeyay in ayna waxba ku soo kordhin deeganada ay maamulaan hadana Kismaayo iska fadhiyeen muddo 4 cisho ah, laguma arkey Gobweyn oo ah goob dalxiis xilli dhibaato badan ka jirto deegaanada ay ka yimaadeen.
Maamul goboledyada ayaa caqabad ku ah dawlad kasta oo dhalata waxana loogu talogalay in Somaliya kala dhamaan weydo weligeed ayadoo la adeegsanayo shaqsiyaad.
Labada maamul goboleed ee Puntland iyo Koofur Galbeed oo Xaaf la jira hadda ayaa ku awrkacsanaya dawlada maadaama ay diidan yihiin in la taabto federaalka. Halka Shariif Xasan uu ka baqayo in la rido.
Hoos ka akhri warmurtiyeedka oo ay ku heshiiyeen in joojiyaan dib u eegista dastuurka.
ARAABINEWS