Maamulaha kastamka Saylac ee odayaasha iyo shacabka deegaanku ka qaylinayaan waxna ka qaban waayay ayaa kumanaan doolar ku dhifta maalin kasta iyo musuq cad oo lagu helay.
Ninkan Siilaanyo meesha dhigtey ayaa lagu magacaabaa Faysal magafe waxase hadda uu bilaabey musuq cusub iyo kumanaan doolar oo uu cashuur u qaato asagoo askarta goobta joogtaa ay dhamaantood yihiin askar laga keenay Burco iyo Hargeysa.
Gobolkan ayaan dadkii lahaa gacanta ugu jirin waxaanan maqalaa in SNM ka gubatey Hargeysa oo lagu maamulo inkastoo hadda ay ka shaleeyeen dadkii beenta loo sheegay xilligaa.
Musuqan cusub ee Faysal Magafe ku kacay ayaa la sheegay in uu lacag saaida ay ka soo gasho BACAHA uu maamulkiisu madnuucay laakiin Saylac si toosa uga yimaada.
Wuxuu qaataa cashuur jeebeed uu ku dabaro askarta beeshiisa ee jooga Saylac halka maamulka degmadu faromadhan yahay uuna ka xirey dhamaan meelihii cashuurtu ka soo galaysay.
Odayada iyo maamulka degmada ayaa calaacal kaliya ka soo hadhey. Faysal Magafe ayaa isku haysta laba xil oo ay ahayd qalad in uu wada hayo maadaama isku dheelitirnaani jirin iyo isla xisaabtan inkastoo maamulkaba ka jirin isla xisaabtan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS