X

Maamulka degmada Dambal ee Somali galbeed oo lagu eedeeyay kicin dadweyne

Maamulka degmada Dambal ee Somali galbeed ayaa lagu eedeeyay kicin dadweyne kadib markii wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Saleebaan Qaasim Saleebaan lagu xirey degmada. Xariga wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxa ka horeeyay jirdil loo gaystey wiilkale oo dhalinyaro ahaa oo wade ka ahaa gaari gurmad ah.


Wiilkaas dirawalka ayaa lagu dhex jirdiley magaalada dhexdeeda waxana loo qaaday isbitaal. Gaadhiga gurmaska ee lagu diley ayaa dawladu siisey degmada Araabi oo bilaa gaari gurmada ahayd, waxana la siiyay degmada Araabi xilligii maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar.


Waxa dadka degmada Araabi aaminsan yahay in maamulka degmada Dambal oo aan rabin in Araabi ka hoosbaxdo ayna u qalmin gaadhiga gurmadka ah, taasna ay keentay in shaqsiyaad beelaysan oo taageero ka helaya shaqsiyaad kale oo ka tirsan maamulka Dambal ay fuliyeen weerarka lagu qaadey dirawalka, kana dambeeyaan xariga Saleebaan Qaasim Saleebaan.


Xariga Saleebaan Qaasim Saleebaan ayaa dadka degan degmada Araabi ay aad uga caroodeen, ayagoo ku eedeeyay maamulka degmada Dambal inay wadaan xiisad kicin ah iyadoo arintuna ka bilaabantey gaadhiga gurmadka ah ee degmada Araabi loogu deeqay.

Xiriir aan la samayney gudoomiyaha degmada Dambal ayaan isagu ka gaabsaday inuu ka hadlo arintan sheegayna kaliya inay socoto baaritaan.


Haddii golaha deegaanku ku fashilmo inuu wax ka qabto xariga iyo jirdilka magaalada dhexdeeda loogu gaysanayo dhalinyarada ka soo jeeda degmada Araabi waxay keenaysaa xaalad abuurid aan degmada Dambal iyo deegaankuba u baahneyn xilligan welli lagu jiro kala guurka ayuu yiri Xirsi Maygaag oo jooga Dambal arintana aad uga cadhaysan.


Waxa aad loo cambaareeyay falkan kicinta ah ee ay ku kacaan qaar ka mida hogaanka degmada Dambal loona baahan yahay in ay maamulku gacan bira ku qabto, soona qabtaan dadkii jirdilka u gaystey dirawalka siina daayaan Saleebaan Qaasim Saleebaan.

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.