X

Maamulka Diinsoor oo war ka soo saaray horjooge argagixiso oo la dilay

Maamulka Diinsoor ayaa war ka soo saaray horjooge argagixiso oo ciidanka xooga dalka dileen. Horjoogahan ayaa ku sugnaa deegaanka Rooxaale ee ka tirsan gobolka Bay.



Horjoogahan la diley ayaa watey ciidan gaaraya 20. Weerarkan ayaa waxa iska kaashadey ciidamada Amisom iyo kuwa Somalida. Ciidamada Somalida ayaa farokulu ku haya argagixisada.



Shalay ayaa wasiirka gaashaandhigu ku dhawaaqay in gobolka Shabeelaha dhexe laga sifeeyay argagixisada.

Gudoomiyaha degmada Diinsoor ayaa dhinaca kale sheegay in sadex ka mida argagixisada iyagana la soo xirey. Wuxuu raaciyay in argagixisadu u babac dhigin ciidanka laakiin ayagoo tiroyar ay hadana baqdin u hayaan dadka masaakiinta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.