Madaxtooyada Puntland ee Garowe, waxaa maanta kulan deg deg ah ku yeeshay golaha wasiirada, iyadoona shir gudoominaayay Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland Eng; Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji Cumar Camay.
Kulankan deg dega waxaa diirada lagu saaray amaanka deegaanada Puntland, iyo sidii Al-shabaab looga hortagi lahaa inay qabsadaan goobo hor leh.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo saxaafada la hadlay, wuxuuna sheegay inay ka war hayaan howlgalada Al-Shabab ka wadaan dhulka xeebaha leh ee Mudug iyo Nugaal.
Qarjab waxa uu sheegay inaysan ka marnayn gacanta Dowladda dhexe weerarka Al-Shabab, isagoona weerarkan la xiriiriyay diid-mada Puntland ee nidaamka 4.5.
C/llaahi WArmooge
ARAABINEWS