Xubnaha wada hadallada u matalaya Somaliland ayaa sheegay in ay mid noqonayaan dawlada federaalka haddii laga aqbalo hal shardi oo aad u muhiima, shardigaas oo ah in awood qaybsiga dalka laga dhigo Koofur iyo Woqooyi kursiga Woqooyigana beesha dhexe lahaato. Kulano hoose oo ka socda Turkiga ayaa lagu lafogurey arimahan hoose.
Turkiga ayaa la sheegay in uu aad u danaynayo arintaas isla markaasna dhiirigeliyay in halkaas laga amba qaado wadashaqaynta guud sida ay ila wareedyo u sheegen saxaafada. Kulanada u dhexeeya maamulka Siilaanyo iyo kuwa Xasan Sheekh ayaan meelna gaarin inta badan waxayna ku dhamaadaan istus.
Kulanada noocaana ayaa soo bilaabmey markii fadhiid Sheekh Shariif uu saxiixay soo jeedin ka timi Ingiriiska oo dan u noqotey maaamulka gooni goosadka kuna heshay magacyo aan jirin sida Somaliland iyo Somaliya oo saxaafada Somalida iyo kuwa Ingiriisku istcimaalaan sida BBCSOMALI.
Waxay sheegeen xubnahan ka socda maamulka Siilaanyo in hadda Soomaaliya aanay imaan karin maadaama ay weli Koonfurta wax ku qeybsato qaab qabiil, islamarkaana ay sheegaan in Somaliland ayna wax siin inkasto la siiyo kuraasta ugu saraysa..
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS