Guddidii hore loogu saaray wax ka qabashada wax ka qabashada sixir bararka maciishadda iyo koru kaca qiimaha dollarka, ayaa shaaciyey in dhawaan lasoo saari doono giime go’an oo aanu dhaafi Karin dollarku.
Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Adan ayaa shaaca ka qaaday in si loo ilaaliyo nolosha shacabka, xukuumada Somaliland qiimo aan la dhaafin karin u goynay doonto sarifka lacagta Doolarka, dhowaaan la shaacin doonto, taasoo qofkii jebiya sharciga lala tiigsan doono.
Marwo Samsam Cabdi oo ka hadlaysay oo ka hadashay in waajibaadkii guddiga oo muddo soo socday la xidhiidhay baadhitaano sida wax looga qaban karo safirka doolarka iyo qiimo-dhaca shillinka Somaliland ayaa tidhi,
“Daraasado guddigu waday weli ma dhamaan, laakiin shalay waxaan sheegaynaa talaabadii u horeysay ee Baanka dhexe qaadayo, oo hoos loogu dhigayo qiimaha sarifka doolarka, muddo ka dibna qiimo cayiman loo goyn doono lagu sarifo Dollarka ($).”
Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid kastoo jebisa go’aanka xukuumadu u xadiday safirka dollarka waxaanay tidhi,
“Waxa ku xigi doonta talaabo xukuumadu ka qaadi doonto cid kastoo jebisay qiimaha loo gooyey in lagu sarifo doolarka, maadama Baanka Dhexe awood u leeyahay inuu qiimo xadidan u gooyo sarifka Dollarka
Wasiirka Maaliyada ayaa sheegtay in go’aankan lagu xadidayo qiimaha sarifka Dollarku yahay mid dhamaan xukuumada iyo ganacsatada dalku ka midaysan yihiin, isla markaana ah go’aan sidii loo fulin doono Insha alaah.
Gudoomiyaha Baanka Dhexe Mr. Axmed Xaaji Jaamac, oo kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay qaadayaan talaabooyin lagu hirgelinayo go’aankan lagu xadidi doono qiimaha sarifka Dollarka, waxaanu yidhi,
“Waxaan caddeynayaa in Baanka Dhexe soo saari doono qiimo cayiman aan la dhaafi karin oo lagu sarifi doono lacagta Dollarka, waxaan ugu baaqayaa sariflayaasha iyo ganacsatada inaan dadka lagu kicin sicirka sarifka,”
Mr. Axmed Xaaji Jaamac ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay gartaan dantooda oo u sheegay inay ku jirto isticmaalka lacagta shillinka Somaliland, waxaanu yidhi,
“Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay dantooda gartaan oo ku jirta isticmaalka shillinka Somaliland ee dalku leeyahay, cid kastoo ka hortimaada go’aamada Baanka dhexe iyo xukuumadu soo wadaan talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa.” Shacabka Somaliland ayaa si weyn u dhawraya tallaabada Baanka dhexe iyo wasaaradda Maaliyaddu ka qaadi doonaan qiimaha dollarka ee xadhkaha goostay, waxana xusid mudan in maalmihii ugu dambaysay qiimaha dollarku kor usii kacayey xilli dalku ku jiro xaalad nololeed oo adag.
Haddii Baanka dhexe ee Somaliland ku guulaysto inuu qiime go’an u jaro lacagta dollarka waxa ay noqon doontaa tallaabo xagga wanaagsan loo qaaday oo xoojin karta awoodda Baanka, waxana meesha ka bixi doonta saamaynta shakhsiyaadka sarriflayaasha ahi ku leeyihiin qiimahaas.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS