X

Maamulka Somaliland oo u riyaaqay xubinimada Itoobiya ee QM

Maamulka Somaliland  ayaa u riyaaqay xubinmada Itoobiya ka noqotey Qaramada Modoobey (QM) kadib war qoraaleed ay soo saareen ku aadanaa arintan. Itoobiya ayaa bedelaysa Angola xubinimada golaha ammaanka Qaramadda Midoobay labada sannadood ee soo socda.



Ku-simaha Xafiiska wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya Amb. Ayaanle Salaad oo farriin kooban ku baahiyey bogiisa Facebook, ayaa ku sheegay isagoo ka wakiil ah mamulka Somaliland ku hambalyeynayo Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Federaalka Itoobiya xubinnimadooda uga bilaabmatay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay, waxaanu yidhi, “Anigoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan jecelahay inaan u hambalyeeyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Federaalka Itoobiya oo si rasmi ah u bilowday xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka laba sannadood ee soo socda.”

Danjire  Ayaanle Salaad ayaa hadalkiisa raaciyey, “Guusha weyn ee xubinimada golaha ammaanku,  keliya uma soo hoyan dalka Itoobiya, balse waa mid wadammada Gobalku la wadaagaan.”



Bilowga xubinnimada aan joogtada ahayn Golaha Amaanka ee dalka Itoobiya ayaa sidoo kale, ku soo beegmatay kulankii ugu horeeyey ee Xoghayaha Guud ee dhowaan loo doortay QM Mr. Antonio Guterres ugu bilaabay shaqadiisa xoghayihii 9-aad ee QM, taasoo ku soo jeediyey baaq in nabadgelyada xooga la saaro sannadka 2017.

“Xubinnimada ayaa muujinaysa in Itoobiya noqotay awood ka soo muuqanaysa ammaanka iyo xasiloonida qaarada Afrika,” maadama tahay wadanka ugu horeeya ee ciidamada nabad-ilaalinta ugu badan u diray qaarada Afrika, safka horena kaga jira dedaalada nabadda gobolka, sida Koofurta Soomaaliya, Koonfurta Sudan iyo goobaha kale. Dalka Itoobiya oo hore kaalin muuqata uga soo qaatay arrimaha siyaasadaha caalamka, ayaa la saadaalinayaa inay sii xoojiyaan kaalintooda muddada laba sannadood fooda innagu soo haya.

Qoraal lagu baahiyey shalay mareegta wasaarada Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay  in Itoobiya iyo waddamada kale ku soo biiray Golaha Amaanku kaalin muuqata ka qaadan doonaan ka jawaabista baaqa Xoghayaha QM ee nabadgelyada, si muuqatana ku taageeri doonaan qaraar kastoo lagu deminayo xaaladaha qalalaasaha.



Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.