X

Maareeye ku xigeenka Tv-ga Siilaanyo oo iska xaadiriyay barlamaanka dawlada dhexe ee Somaliya

Masuul ka Tirsan Xukumadda Madaxwayne Siiraanyo Ayaa Waxaa Uu Iska xaadiriyay barlamaanka dawlada dhexe ee Somaliya .

Masuulkan Ayaa Ujeedada Ugu Wayn Ee Uu Xamar U Tagay Ay Tahay In Uu Ka Mid Noqdo Golaha Sare Ee Somaliya Waxaa Uu Ahaa Maareeye Ku Xigeenka Tv-Ga ku hadla afka Siilaanyo ee loo bixiyay TV-Qaranka Somaliland.

Waxaana Lagu Magacaabaa Mustafe Maxamuud Qodax.

Geesta Kale Ayaa Waxaa La Noo Xaqiijiyay In Safarka Maareeye Ku Xigeenka Tv.Ga Ay Ku Weheliyaan Qaar Ka Tirsan Aqoonyahanka Wax Ka Dhigi Jiray Jaamacadaha Dalka.

Tagitaanka Mustafe Qodax Ayaa Ka Dambaysay Ka Dib Markii Uu Banaanaaday Kursi Ay Heleen Jufadda Hoose Ee Uu Ka Soo Jeedo Kaas Oo Sababay In Uu Doonto Jagadaasi.

Ma Ah Masuulkii Ugu Horeeyay Ee Iska Dhiiba Xamar Balse Waxaa Ka Horeeyay Qaryaqaankii Guud Ee maamulka Siilaanyo Ibraahim Saleebaan Iidle Oo Noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Ee Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.