Macalimiin ka tirsan kooxda gaaleynta Muslimiinta ee aan hubeysnayn oo laga eryay jaamacad ku taal Muqdisho kadib markii lagu helay amaba ay cadaysteenba in ay ka mid yihiin urur diimeedkan.
Urur diimeedkan ayaa dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho Iiyo maamul jufeedyada looga dhawaaqay isku mid iyadoo Culimadda Somaliyeed ay sheegeen in uu ururkan uu yahay Halis loona baahan yahay in laga hortago.
Ururkan isku magacaabay Al-Saadicuun Bil-Xaq ayaa fadhigiisa ugu weyn waxaa uu ku yaalaa Dalka Masar, waxaana ka mid ah wadamada looga dhawaaqay, Liibiya Kuweit, iyo Somaliya.
Ururkan ayaa KALIYA uga duwan kuwa dagaalka ku haya wadamada Muslimiinta ayagoo wada gaaleeyay in ay yihiin kuwo aan QORI wadan laakiin culimadu arkey in qori la’aanta lafteedu ka halis tahay kan qoriga wata.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS