Madaxweynaha Filipiin ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee ka tirsan dalalka Aasiya oo si toosa ula saftey Maraykanka dagaalka dhaqaale ee uu kula jiro Ruushka. Madaxweynaha Filipiin oo aan fayoobayn ayaa hore u caayay madaxweyne Obaama oo isagu dhiig badan ku daadiyay Liibiya.
”Waxaan albaabka u furaynaa ciidamada Marayanka haddii hawl-galka Ruushku ka wado Yukrayn uu sii fataho gaar ahaan u soo fataho dhinaca Aasiya ayuu yiri madaxweynahan Filipiin oo hore u sheegay inuu xukunka ka degayo.
”Haddii dagaalku u soo fataho dhinaca Aasiya waxaan diyaar u nahay inaan adeegyada milatari ee dalkayaga u furno Maraykanka bilaa xayiraad xorna u yihiin siday u isticmaalaan ayuu yiri.
Ma oga in Ruushku haysto gantaalo si toosa u garaacaya Filipiin oo aanu u baahnayn inuu saldhig milatari furto, waxana aanu sheegin sida dagaalku ku soo gaari karo Aasiya. Madaxweynahan Filipiin oo aan fayoobeyn ayaa wuxuu doono ku hadla, wuuse isa sii sheegay halka uu la jiro.
Rashiid Ceelanyo
ARAABINEWS