Mid ka mid ah masuuliyiinta Madaarka Soomaaliya ee la soo dhaweeyey oo bogga uu Facebook-ga ku leeyahay ku daabacay qoraal kooban uu ku muujinaayo sida loo soo dhaweeyey waxa uu yidhi;
“Waxaan saaka ka soo amba baxay Muqdisho anigoo ka mid ah wafdi isugu jira Mas’uuliyiin dowladeed, culimaa’udiin, Oday dhaqameedyo iyo Saxafiyiin, oo ku sii jeeda gudashada Xajka.12:40 PM ayaan gaarnay garoonka diyraaradaha ee Cigaal International Airport ee Hargeysa.
Sidii naloo soo dhoweeyay ayaa rajo iyo riyaaq i galisay. Dad badan ayaa loogu sheekeeyay in madaxda sare iyo dadka u shaqeeya dowladda Soomaaliya aan laga soo dhoweyn Somaliland ama laba xiro ”
Waan ogaa in aysan u jirin sida loo buunbuuniyo balse waxaan dareemay macnaha sokeeyenimada si kasta oo wax la isugu diiddan yahay.
Waxaa naloo soo dhoweeyay si sharaf leh, waxaana nala geeyay VIP-da garoonka Cigaal International Airport -Ogow kama aynaan soo bixin VIP-da Garoonka Aden Cadde ee Muqdisho.
Si wanaagsan ayaa naloo sooray. Madaxda ugu sarreysa Madaarka Hargaysa, 3 wasiir oo uu hormuud u ahaa Waziirka Awqaafta Somaliland Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa na soo salaamay nana soo dhoweeyay. Xoghayaha gaarka ah ee madaxwenaha Somaliland ayaa isna na soo booqday oo na soo gaarsiiyay salaanta madaxweyne Siilaanyo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS