X

Madaxa cusub ee Puntland iyo miisaaniyad lagu soo celinayo Laascaanood

Madaxa cusub ee Puntland ayaa sheegay in meel la dhigayo miisaaniyad loogu talogalay soo celinta Laascaanood oo muudo ka maqneyd gacanta maamulka Puntland. Siyaasiyiin reer Sool ah oo falaagoobay ayaa la saftey maamulka Somalilabd xilligii Daahir Rayaale haystey.


Siciid Deni oo wasiiradiisa cusub loo ansixiyay ayaa sheegay balanqaadyo ay ku jirto xoreynta dhulka maqan iyo inuu kordhin doono in maamulkiisu geli doono heshiisyo ka madax banaan dawlada dhexe.


Wasiirada uu dhisay oo aad u tiro badan ayaa dadku is weydiiyeen sida ay isku qaban karaan wasiirada intaa leeg iyo miisaaniyad lagu dagaalamo xilli labada maamulba awoodin inay sii galaan dagaalo kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.