X

Madaxda caalamka hadda iyo kuwii hore oo ku seexday shaqada: SAWIRO

Waxaa dhowaanahan hareeyay baraha bulshada Soomaalidu ku xiriirto dood ku saabsan sawir laga qaaday madaxweyne Xasan Sheekh oo hurdo la tagtay xilli uu saarnaa Bas gudaha xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo uu tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Kumaandooska Mareykanku u tababaray Soomaaliya.

Sawirka oo uu bartiisa Facebook soo dhigay darwal ka mida shaqaalaha Balidoogle oo si qaraaxo iyo kaftan ku jiro ula wadaagay saaxiibadii, ayaa u keenay in isagii shaqada laga joojiyo, muddana la xiro, laakiin waxaa ka darran dad fara badan oo hurdada ama lulumada qabatay madaxweynaha uga dhigay caay iyo inuu yahay qof aan xil qaadi karin.

Waxay dadkaasi iloobeen in bani’aadamku taag darran yahay oo gamaanyo iyo hurdo ku qaban karto xaalad kasta iyo meel kasta.

 

 

 

 

 

 

Ra’iisal wasaaraha Jaban

 

admin:

This website uses cookies.