X

Madaxda dawlada Somaliya oo shacabka kula tukaday masjidka weyn ee Isbahaysiga ee Muqdisho: SAWIRO

Amaanka masaajidka isbaheysiga islaamka ayaa si weyn loo xoojiyey saaka iyadoo ciidamada nabad dowlada iyo kuwa AMISOM ay xireen wadooyinka hareer mara masjidka, waxaana dhowr meelood lagu baarayey dadka masaajidka galaya.

Salaada ka dib Madaxweynaha Soomaaliya mdune Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay halkaas ka jeediyey isagoo hambalyada ciida ka sokow ka hadlay xaaladaha ka jira gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dedaallada dowladda ee dhinaca doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku dheeraadey ka haddalka marxaladda amni ee dalka iyo dagaalka dowladiisu kula jirto Al-Shabaab wuxuuna sheegay in shacbiga Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ilaaliyaan dadka, dalka iyo Diinta, isagoo cambaareeyay weerarka lagu qaadey Masjidka barakeysan ee uu ku aasan yahay Nabi Muxamed (NNKH) ee magaalada Madiina.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed u jeediyey in dowladda ay ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa kuwa diiddan jiritaanka Diinta iyo dadnimada Soomaaliyeed sida uu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo haddal qaadey arrimaha doorashooyinka dalka ka dhici doona sannadkaan, waxa uu sheegay in doorashooyinkaasi ay yihiin kuwa lagu cabiri doono horumarka ay Soomaaliya gaartay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay u dhabar adeeygaan sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen, dowladda Soomaaliyana ay wax walba u huri doonto sidii dalka xasilooni loogu soo dabaali lahaa, isagoo dalka ugu duceeyey in Alle uu gaarsiiyo horumar dhinac walba leh iyo barwaaqo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.