X

Madaxda hadda joogta dalka dabacsanaan maleh: Kiiniya oo dalbanaysa

Ayadoo waxba aan ka harsanayn dhegeysiga dacwada badda ee Kiiniya iyo Somaliya ayaa Kiiniya dalbanaysaa in dacwadaas dib loo dhigo weliba dib loo dhigo muddo aan la cayimin. Waxana ay sheegeen in madaxda hadda joogta dabacsanaan lahayn oo ka dhigin inay jecelyihiin in la bedelo.


Qoraal qarsoodi ah oo loo dirayo maxkamada ayaa waxa ku qoran in ay jecelyihiin in marale dib loo dhigo ayagoo marmarsiiyo ka dhigtey in qareenada u doodi lahaa uu ku dhacay cudurka Kooro ama saameeyay.

”Ma arko wax joojin kara dhegeysiga dacwada maadaama dadka fadhiyaa maxkamada ay kala durugsan yihiin isla markaana xataa laga dhigi karo mid internet ah inkastoo aan loo baahneyn ayuu yiri Xuseen Warsame.


Shirarka caalamiga ayaa lagu qabtaa hab internet ah. Kiiniya ayaa qabta haddii la bedeli waayo madaxda hadda dalka joogta ay dacwada ka bixi doonto inta doorashada la gaarayo.

Si kastaba ha ahaatee maxkamada aya sheegtay in aan mardambe dib loo dhigi doonin dacwadaas oo Kiiniya laba mar dib u dhigtey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.