X

Madaxda Somalida oo dhamaan cambaareeyay falkii wuxuushnimada ee Laascaanood

Madaxda Somaliya ayaa aad u cambaareeyay falkii wuxuushnimada ahaa ee dad Somali ah oo dalkoodii jooga looga soo tarxiilay magaalada Laascaanood. Gudoomiyihii hore ee barlamaanka Jawaari ayaa cambaareeyay falkaas.


Gudoomiyaha Mudug ayaa isna ka hadlay tacadiga lagula kacay dadka maatada ah ee si toosa loo dhacay hantidooda kadibna qoysaska gawaadhi kala duwan lagu gurey.

Dadkan oo gaaraya 700 oo qof ayaa sheegay inay muddo 25 sanno ah si nabada ugu noolaayeen Laascaanood. Horjooge Muuse Biixi ayaa ku faraxsan dadkaa uu ka tarxiilay Laascaanood.


ā€¯Falkan maamul wuxuusha oo keliya ayaa ku dhaqaaqi kara ayuu yiri Mukhtaar Macow. Dawlada ayaa ku fashilantey inay hanjabad u dirto inkastoo taasi niyada u sii dhisayso.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.