Jabuuti–Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka qaybgalaya munaasabad weyn oo lagu xusayo maalinta afka hooyo oo ku beegan maalinta berito ee 21 bishan labaad ee sanadka. Soo dhaweyn ku saabsan arinta ayaa Muqdisho si weyn uga socota iyadoo calanka Jabuuti la sudhay goobaha muhiimka ah.
Munaasabadan oo ay dowladda Soomaaliya ay si weyn u diyaarisay qaban qaabadeeda ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan wafuud ka socota dhulalka Soomaalida degto, sida wafdi ka socda ismaamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, wafuud ka socota Kenya iyo kuwo kale.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sanadkii 2011 yimid magaalada Muqdisho, xilligaasoo ay jirtay abaaro iyo macluul aad u daran, markii boqollaal qoysas ay gobolada dalka uga soo barakaceen abaaro.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS