X

Madaxii hore ee jeelkii Cabdi Iley oo gacanta lagu dhigey iyo dilka uu gaystey

Madaxii jeelkii Cabdi Iley dadka ku iqaabi jirey ee loi bixiyay jerl Ogaadeniya ayaa gacanta lagu dhigey asagoo baxsada. Jeelkaas ayaa aad loiga baxay sida Somalida loogu ciqaabi jirey iyo musqulaha looga dhigey inay hurdaan. Iska dhaaf inay seexdaane xataa lugaha ma fidsan karayn.


Ninkan ayaa lagu magacaabaa Xasan Axmed Ibraahim “Xasan Dheere” waxaana la sheegay inay xalay qabteen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Hadaba sidee loo qabtey muxuuna gaystey

Mid kamid ah Maxaabiistii Ninkan uu Dhibaatada u gaystay oo lagu magacaabo Abdi barudd ayaa ka Warbixiyey Siduu dadka u Ciqaabi jiray.


“Waxaa Gacanta Lagu Dhigay Xasan dheere Sida Aad ka aragtaan sawirka,  Wuxuu ahaa Komishinkii Jeel Ogaden Jiif iyo Joog Noo diiday Anagoo Maxaabis ah oo rafaadsan .

Wuxuu yidhi ma seexan karaan, oo yayna isla hadlin,  Wuxuu noo gaysan Jiray Aflagaado aad u qaab daran, Wuxuu na yidhi wax badan oo xun xun.


Wuxuu samayn jiray qaar naga mida ayuu afka balastar ka saari jiray si ayna u hadlin xiliga cunto la siinayo un baa laga furi jiray waxaan ka xasusta Ibraahim Didhiq cabdi , wali Xayran , Halgan Xasan iyo Macalin bilig .

Waxaan xasuusta Nin Reer Wardheer ah oo lawada yaqaano oo la dhaho dhoolayare intuu dilay anaga hortayada inuu sanka iyo afka iyo dhagahaba dhiig uu ka keenay.


Wuxuu ku dilay hortayada Halgan Hasan oo uu meelo badan ka jabiyay sida wajiga nabarka wayn ee ka muuqda ,  Wuxuu caan ku ahaa xaarka Maxaabista lagu shubo


Wuxuu sabtida iyo axada qaarkood nagu odhan jiray ii jaasa, tan ugu darana ay ahayd in odayaal waawayn oo biri ma gaydo ah kuvqasbi ayaa u jaasi jiray subaxa ilaa duhur meel cadceed ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.