X

Madaxweynaha Baraasil oo la kulmey Taram oo laga helay hargabka Shiinaha

Madaxweynaha Baraasil ayaa la sheegay in laga helay cudurka hargabka Shiinaha kadib markii xoghayihiisa isna laga helay shalay oo Khamiistii.  Xoghayaha iyo madaxweynaha ayaa labaduba la casheeyay Taram. Wargeys Ka soo baxa dalkaasi Baraasil ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha laga helay cudurka.


Xagjir Taram ayaa isagu diidey in laga baaro xanuunka waxana la soo weriyay inuu Ka baqayo xanuunka aadna uga walwalsan yahay.

Madax badan oo ka tirsan caalamka ayaa joojiyay booqashada dibedda halka kuwo kalana bilaabeen inay isticmaalaan kaamarooyin muujinaya heerkulka dadka ay la kulmayaan, si hadhow loo raadiyo.


Si kastaba ha ahaatee tani kama dhigna in xagjir Taram qabo cudurka Shiinuhu sheegay in markiisii horeba uga yimi Maraykanka, ayna keeneena askarta Maraykanka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.