Jabuuti–Madaxweynaha Jabuuti oo waraysi bixiyay ayaa sheegay in aanu wali go’aan ku gaarin in uu isa soo taago doorashada soo socota iyo in kale. Ismaacil Cumar Geele ayaa 16 sano soo fadhiyay xukunka Jabuuti isagoo ka dhaxlay inadeerkii Xasan Guuleed. Mar uu la hadlayay saxaafada ayuu sheegay in uu ka fikirayo in uu isa soo taago iyo in kale.
Dhinaca kale Ismaciil ayaa sheegay in uu Shiinaha siinayo saldhig milatari oo uu ku ilaashado danahiisa bariga Afrika iyadoo Sucuudigu duqeyn ku hayo shacabka Yaman.
”Shiinaha waa wadamada maraakiibtoodu ugu baayacmushtar badan yihiin waxayna xaq u leeyihiin inay ilaashadaan danahooda xeebta badda cas ayaa laga soo xigtey Geele”.
Jabuuti ayaa dhinaca kale furaysa wado tareen oo casri ah oo isku xireysa Jabuuti iyo Addis ababa si ay u kordhiso xiriirka ganacsi isagoo ku hamiyay in ay u sii wadaan dhinacaas iyo Sinigaal.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM