Madaxweynaha Kiiniya ayaa booqasho qarsoodiya ku yimi gudaha Somaliya xilli Kiiniya la tacaalayso argagixisada shabaab oo ah cadowga koowaad ee ummada Somaliyeed.
Uhuru Kenyatta ayaa booqday ciidamada Kiiniya ee saldhigoodu yahay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda hoose halkaas oo xarun weyn u ah ciidamada Kiiniya.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Kiiniya ayaa lagu sheegay in booqasho taariikhi ah uu madaxweyne Uhuru ku tegay Dhoobley, ujeedkiisuna ahaa inuu niyad dhis u sameeyo ciidamada Kiiniya ee ka mida howlgalka AMISOM.
“Joogitaankiina Soomaaliya wuxuu badbaadiyay nafaf fara badan, Kiiniyaankuna weligood waa idinku faani doonaan. Joogitaankiina wuxuu dadka ka xoreeyay cabsidii ay ka qabeen argagixisada Alshabaab” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo intaas raaciyay in Dalxiiskii Kiiniya dib u soo noolaaday.
Wuxuu sheegay in dowladda cusub ee Soomaaliya ay kala hadlayaan sida ay muhiimka u tahay inay dhistaan ciidamadooda milateriga si ciidamada Kiiniya ay dalkooda ugu laabtaan, taasina ay tahay qorshaha ay uga baxayaan Soomaaliya.
Madaxweynaha Kiiniya ayaa ku jira olole doorasho oo adag, waxaana loo arkaa inay booqashadan qeyb ka tahay xilli ay mucaaradka dalbanayaan in ciidamada Kiiniya laga saaro Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in lagu wargeliyay booqashadan xilli ay ku mashquulsan yihiin jufooyinka la siin lahaa wasdiirnimada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS