Madaxweynaha Kiiniya ayaa si toosa ula hadlay madaxweynaha Somaliya kana codsaday in uu ka qaado cunaqabataynta ay saareen qaadka ka yimaada.
Afhayeen u hadlay dawlada Kiiniya ayaa sheegay in madaxweynuhu si toosa ula hadlay Xasan Sheekh ayna xooga saareen sidii cunaqabataynta qaadka loo qaadi lahaa.
Afhayeen Eric Kiraithe ayaa sheegay in booqashadii uu badhasaabka Meru ku tagey Hargeysa ayna keenin joojinta qaadka laakiin at jiraan arimo kale.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in siyaasada dalka ayna hogaamin badhasaabyadu laakiin ay tahay mid ay hogaamiso dawlada dhexe. Wuxuuna intaas ku daray in la kordhin doono ilaalada la siiyo badhasaabka Meru kadib markii uu sheegay in noloshiisu halis ku jirto.
Meru ayaa gooni goosadka Hargeysa been ugu sheegay in uu aqoonsi u raadinayo, taas oo ka cadhaysiisay dawlada Somaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS