X

Madaxweynaha Kiiniya oo neef qaboobi ka soo baxday kadib markii maxkamada dambiyadu joojisay faldambiyeed lagu haystey

Hague 05 Dec 2014–Maxkamada caalamiga ah ee ku taal dalka Holland magaalada Hague ayaa cirka u laashay faldambiyeed lagu haystay madaxweynaha Kiiniya kadib markii la waayay wax cadayn oo dambi oogayaashu keenaan. Tani waxay albaab cusub u furaysaa Kiiniya oo madaxdooda ay ka warwareegayeen wadamo badan oo uu ku jiro Maraykanka iyo reer galbeedka intooda badan.

Uhuru ayaa markasta sheegay in aanu galin wax dambi ah ee layska cayrsanayo wadamada fiqiirka ee aan isdifaaci Karin. Maxkamada ayaa sheegtay in dacwad oogayaashu ayna waxba keenin sidaasi darteedna ayna si wadi Karin dacwadan.

Uhuru ayaa lagu haystay inuu lug ku lahaa xasuuq ka dhacay Kiiniya 2007 kadib doorasho muran gashay oo isku bedeshay in qabiiladu isku qoryo qaataan.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.