X

Madaxweynaha Nayjeeriya oo si nacasnimo ugu jawaabay xaaskiisa iyo haweenayda Jarmalka oo la yaabtey

Madaxweynaha Nayjeeriya oo la moodayay nin caqli leh ayaa dhex fadhiistey hadal ka soo yeeray xaaskiisa si nacasnimana ugu jawaabay xilli Jarmalka uu booqasho ku joogey.

Waxa burburey wadahadalka iyo wadatashiga ka dhexeeya madaxweynaha iyo xaaskiisa taas oo keentay in xaaskiisu banaanka u soo saarto in dawlada uu hogaamiyaa ay tahay mid aan la aqoon.

Madaxweynaha oo agtaagan haweenayda Jarmalka ayaa la waydiiyay bal inuu ka jawaabo eedaymaha ay soo jeediyay xaaskiisa wuxuuna ku jawaabay ”ma garanayo xisbiga ay ku jirto xaaskiisu waxayse ku jirtaa jikadiisa, qolka hurdada iyo qolalka kale”.

Haweenayda Jarmalka ayaa si argagaxa u eegtay madaxweynaha Nayjeeriya oo la soo baxay caqli Afrikaan iyo yasid.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.