X

Madaxweynaha Puntland oo bilaabay caruur ka cabsiin iyo qodobo uu is hordhigey

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa sheegay in Dawlada Puntland ay u furan tahay in saddex Waddo midkood ay qaado ka dib markii ay diiday nidaamka wax qaybsiga Qabiilka ee 4.5.

Dr. Gaas oo Waraysi siiyay Wargeyska Kaah Bari ayaa sheegay in Puntland ay u furan tahay Waddooyinkaan Midkood;-
-Inay Diido Qorshaha ay Wadaan Beesha Caalamka oo ay ka hortimaado Barnaamijkaas oo dhan.

-Inay yeesho oo ay Gorgortan ka gasho.
-Iyo inay ka Go’do Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya,wuxuu sheegay inay u jarjeeraan dhinaca Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa la waydiiyay,Maxaa kaaga qorshaysan Cadaadis kaaga yimaada Qaramada Midoobay,IGAD iyo Amisom.

Madaxweynaha oo ka Jawaabayay arrintaas ayaa yiri’’….Waxaa jira Maahmaah tiraahda haka baqin inaad gorgortan gasho,laakiin ha u galin baqdin Awgeed’’.
Hadalka Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa kuso beegamaya xilli Dawlada iyo dadweynaha reer Puntland ay cod dheer ku sheegen inaysan sinaba u aqbalayn Nidaamka 4.5

Puntland ayaan hadda ka mid ahayn nidaamka dawladeed ee Muqdisho lagu fadhiyo waxayna qaadataa talaabooyin mijoxaabinaya dawlad adag oo dalka hanata. Ma go’i kartaa umalayn maayo in cidi ka horjoogto in jufo kasta oo danaheeda waydey ay sheegato in ay go’ayso.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.