X

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Muqdisho iyadoo la filayo in la soo afjaro muranka doorashada: SAWIRO

Madaxweynaha Puntland Cabdiwelli Gaas ayaa gaaray Muqdisho iyadoo la filayo in la soo afjaro muranka doorashada. Mar uu la hadlay saxaafada ma sheegin in ay mowqifkoodii ka soo degeen.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde  waxaa kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Caddaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin hore, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu kasoo degey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa uu shirar kala duwan garoonka kula qaatay wakiilka Xog-hayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo ku-xigeenkiisa Raisedon Zenenga waxaa ayna kawada hadleen xaaladda guud ee dalka soomaaliya iyo tan gaar ahaaneed ee Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale waxa uu garoonka shir kula qaatay safiiro iyo wakiilo kala duwan oo kala socda beesha caalamka waxaana ay kawada hadleen marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro,  hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka iyo doorka siyaasadeed ee Dawladda Puntland ee la xiriira doorashooyinka 2016-ka.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.