X

Madaxweynaha Ruushka oo soo xigtey aayad Quraanka kariimka ah iyo ujeedada

Waxa maanta ku kulmey caasimada Turkiga ee Ankara madaxweyne Erduqaan, Rawxaaniga Iiraan iyo madaxweynaha Ruushka. Ujeedada kulanka sadex geesoodka ah ayaa lagu lafagurey xaalada Suuriya oo hadda Turkiga yahay kan ugu weyn ee faraha kula jira qaasatan gobolka Idlib.


Gobolkan Idlib oo xad la leh Turkiga ayaa ah gobolka ay welli ku harsan yihiin urur diimeedyadii ay soo hubeeyeen Turkiga, Maraykanka, Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qadar. Waxana ku hoos nool dad badan oo gumeysi jira.

Dawlada iyo dadka Suuriya oo Ruushku badbaadiyay ayaa raba inay hilfaha u qaadaan dhiigmiiratada halkaas ku haray si dalka loo hubiyo xornimadiisa iyo nabadgelyadiisa. Waxase diidan Erduqaan oo leh waxa ku jira urur diimeedkeygii Akhwaan ee xabad joojin hala sameeyo.


Waxa ka soo baxay warmurtiyeed la rabo in argagixisada laga xoreeyo Idlib kadibna laysugu yimaado sidii dalka layskugu xiri lahaa.

Haddaba ayadoo maanta warku u badnaa weerarka qiimaha leh ee dawlada Yaman ku qaaday Sucuudiga ayaa madaxweynaha Ruushku qudbadiisii uga faaiideystay inuu soo xigto aayad Quraana weliba suuratul Cimraan.

Ujeedada ayaa ahayd in labadan madaxweyne ee uu shirka kula jiraa waa Erduqaan oo Sunni ah hubna geliyay Suuriya iyo Rawxaani oo Shiice ah isna hub geliyay Suuriya ay wada yihiin Muslim haddana dhiigooda ku daadinayaan bilaa macni.


Wuxuuna Putin yiri asagoo soo xigana aayadaā€¯ Xusuusta nimcada RABI idin huwiyay xilli idinkoo isku cadow ah uu quluubtiina dhexdhigey is-jacayl aanad noqoteen walaalo bi idnilaah. Labada madaxweyne ee Turkiga iyo Iiraan ayaa u riyaaqay soo xigashada aayada Quraanka.


Labaduba waa Erduqaan iyo Rawxaaniye waxay isku raacsan yihiin in Wahaabiyada Sucuudigu faraha kala baxdo masaakiinta Yaman ee ay xasuuqayso maalin kasta oo lacagtaas iyo hubkaas ay gaalada ka iibsanayso ay ugu dhisto dalka oo ay ka dhigato jaar dhow.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Afeef: macaanka Quraankeena waa marka lagu akhriyo luqadii uu ku soo degay. Allaahu aclam

admin:

This website uses cookies.