Madaxweynaha Siiriya oo la hadlayay saxaafada dalkiisa ayaa sheegay in guusha magaalada labaad ee dalkiisa ayna soo afjari doonin argagixisada ay taageeraan reer galbeedka Yuhuuda, Maraykanka, Sucuudiga iyo Turkiga.
Guud ahaan magaalada XALAB ayaa ciidanka xooga dalka ee Siiriya ku dhow yahay in uu ka xoreeyo argagixisada NUSRA iyo akhwaan Muslimiin oo ay kala taageeraan Erdogan iyo gacan ku dhiigle Salmaan oo sheegta boqorka Sucuudiga.
Sucuudiga ayaa sidoo kale xasuuq ka wada Yaman barakiciyayna kumanaan Yamaniyiina oo u dhinmanaya macaluul wadamada dariska halka Yaman dhexdeeda ay gebi ahaanba baaba’dey adeegii dawladu u haysay dadka oo gacan ku dhiigle Salman burburiyay.
Madaxweynaha Siiriya oo dalkiisa ay burburiyeen Yuhuuda, Maraykanka oo hubka ugu badan siiyay argagixisada Daacish iyo urur diimeedyada kale ee Sucuudiga iyo Turkigu wataan ayaa guul ku dhow in u dalkiisa drjiyo dadkuna dib u walaaloobaan.
Guusha XALAB waxay keenaysaa in argagixisada laga xoreeyo gobolka Turkiga la jaarka ah ee Idlib oo badanaa la geeyay dadkii argagixisadu barakicisay.
Nolosha magaalooyionka laga xoreeyay argagixisada ayaa durba laga dareemayaa NOLOL iyo Xoriyad.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS