X

Madaxweynaha Somali galbeed Mustafe oo dareemay mucaaradnimo lagala horyimi

Madaxweynaha Somali galbeed ayaa dareemay mucaaradnimo lagala horyimi intii ugu dambeysay fariina kaga jawaabay. Mucaaradnimada ayaa timi markii uu sameeyay magacaabistiisii ugu horeysay oo intaba badan uu ka dgigey reerkiisa.


Jawaab qoraala oo uu soo dhigey bogiisa baraha bulshada ayuu ku sheegay in mucaaradnimadu muujinayso xoriyada hadalka ee isbedelu keenay, halka awal mucaaradnimadu dibedda jirtey oo kaliya.


Wuxuu yiri ”Waan ku dadaalaynaa inaan qancino dadkoo dhan laakiin cidaan qancin kari wayno layn mayno, xidhinna maynee waan ogolaanaynaa inay na xagxagataan.


Ma sheegin inuu saxayo qaladka kira waxana dadku sugayaan magacabista golihiisa wasiirada taas oo lagu ogaan karo innmaamulka lawada leeyahay iyo inuu keenay isbedel.

Xoriyada hadalka ayaa waxa isbedel ku sameeyay raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed. Haddii uuna la imaan isbedel saxa oo dheelitiran waxay noqonaysaa in aanu waxba ka baran maamulada ku gadaaman isaga ee jufeedyada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.