Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa digreeto ku saxiixey miisaaniyada 2016 oo mar la soo mariyay golaha wasiirada hadana muran ka taagnaa in ay sax tahay iyo inkale. Waxayna u qorneyd sidan soo socota.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/G/KF-29/674/2016 ee ku taariikhaysan 03/01/2016 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah, Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta;
Wuxuu Soo Saaray
Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta.
ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Soo gelintii Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS