Muqdisho–Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, sannadguuradii 72-aad ee ka soo wareegtay munaasabadda 15-ka May oo ah markii la aasaasey dhaqdhaqaaqii xornimadoonka ee ay horkacayeen dhalinyaro Soomaali ah.
’Fariinta aan maanta idin wado waxay tahay in dhalinyarada ay waddankooda dhistaan. Ma jirto cid aan idinka ahayn oo waddankan uu u fadhiyo. Dadaalka aad hadda waddaan waa inaad sii labanlaabtaan. Dhalinyaradii sameysey SYL 72 sanno ka hor waxay ahaayeen kuwo naftooda u hurey in Soomaaliya ay xorowdo, maqaam sarena ay gaarto. Sidaa darted waxaan idin kula dardaarmayaa idinkoo taas ka shidaal qaadanayaa inaad ku dhaqaaqdaan talaabo waddankan lagu hormarinayo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM