Aaska marxuun Maxamed Cali oo dhacaya Jimcaha ayaa waxa ka qaybgalaya madaxweynayaal Muslim ah sida kan Turkiga iyo Urdun oo iyagu shaaciyay in ay tagayaan. Maxamed Cali ayaa u geeriyooday xanuun muddo hayay oo dhinaca maskaxda ah waxana ka Jira magaalada lagu aasayo qiiro saaid ah.
Xaflad lagu qaban doono Garoon Ciyaaraha Louisville waxaana ka qayb-geli doona 22 kun oo qof, iyadoo markaas kaddib maydka Kalaay la marin doonaa waddooyinka Magaaladaas oo ah tii uu ku dhashay, iyadoo aaskiisana si toos ah looga daawanayo Caalamka oo dhan.
Waxa la filayaa in uu noqdo aaskii ugu balaadhnaa ee ka dhaca aduunka marka la eego dadka ka qaybgalaya. Maxamed Cali ayaa guursaday dhowr haweena inkastoo qaar kalana uu furey.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS