Jabuuti-Araabinews–Madaxweynaha Turkiga Dayib Erdogan ayaa ka degay caasimada Jabuuti xilli uu ka soo noqdey aaska boqorkii Sucuudiga boqor Cabdullah. Madaxweynaha ayaa si weyn waxa u soo dhaweeyay madaxda Jabuuti oo uu horkacayo madaxweyne Geele.
Madaxweyne Turkiga ayaa booqasho ku maraya wadamada geeska iyo bariga Afrika si uu u xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo wadamada bariga iyo geeska Afrika.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS