Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo marayay buundada isku xirta Turkiga EEshiya iyo tan Yurubta ayaa joogsaday wadada iyadoo uu buundada saarnaa nin ay haysato mashaakil qoys oo rabey in uu is dilo.
Ninkan ayaa iska tuurayay buundada waxase ay ilaaliada madaxweyne Erdogan ka dhaadhiciyeen in aanu is dilin oo uu la hadlo iyaga. Erdogan ayaa la arkayaa isagoo dhex fadhiya gaadhigiisa dhexadhiya gacana qaadaya ninkaasi.
Wadada buundada ayaa cabaar kooban xirneyd inta ninka lala hadlayay iyo inta loo keenayay Madaxweynaha. Ninkan ayaa u qaadan waayay in uu madaxweynuhu meesha marayo waxase la tusey isla m,adaxweynaha.
Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegey ninkan in uu wax ka qaban doono mashaakilka haysta laakiin uu naftiisa dilin lamase sheegin in uu u balanqaaday lacag.
Rashiid Ceelaanyo
Raaligelin cilad wali ka jirta ARAABINEWS ayaanaan awoodin in aan daabacno wararkii nalooga bartey
ARAABINEWS