X

Madaxweynaha Turkiga oo sheegay inuu war fiican u hayo dadkiisa

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan ayaa sheegay in dalkiisu helay ceelal saliida oo cusub ayna ka heleen bariga dalkaasi. ”Warka fiican ee aan idiin hayo ayaa ah inaan ceelal cusub ka helnay bariga dalkeena iyo gaas xad dhaafa ayuu yiri Dayib.


”Waxaan kaloo war idiinka hayaa ceelasha gaaska ee badda madow oo aan idiin sheegi doono Jimcaha, markaa haddii aan idin idhaa way korodhay gaaska aan helnay hala yaabina ayuu yiri Dayib Erduqaan.


Dhaqaalaha Turkiga ayaa waxa si weyn u aafeeyay dalxiis la’aanta siiba dalxiiseyaasha ka imaanaya Ruushka oo la xanibay ilaa sadex usbuuc oo kale. Waxa dalxiiska ka soo gala ku dhawaad 50 bilyan oo doolar sanadkii.

Rashiid Ceelanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.