Tunis–Madaxweynaha Tuinisiya ayaa wacad ku maray in uu dalkiisa ka sifeeyo canaasiirta tirada yar ee dal nabada oo ka badbaaday inuu burburo raba in ay fowdo geliyaan. Waan diidnay in aan u sujuudno canaasiir tiro yasr ayuu yiri runtiina waxaan bilownay in aan tirtirno.
Dadweyne farabadan ayaa isugu soo baxay goobtii lagu xasuuqay 19 qof oo wadamo badan isugu jira oo u yimi dalka Muslimka ah in ay u daawasho tagaan halkii laga soo dhawryn lahaana xasuuq loogu daray.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in ilaa 40 qof ay ku dhaawacmeen iyagoo garan waayay cida ay la dagaalamayaan kana war helay rasaas dadka dilaysa. Waxay kaloo sheegeen in nay yaqaaneen mid ka mida argagixisada gaystay dilka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS