X

Madaxweynaha xanaaqsan ee Turkiga oo laga naxay tirada uu eryay ama shaqada ka joojiyay

Madaxweynaha xanaaqsan ee Turkiga Erdogan ayaa aduunku ka naxay tirada uu eryay ama shaqada ka joojiyay ilaa iyo intii uu ka badbaaday afgambi uu ku eedaynayo nin ay marhore saaxiib ahaayeen laguna magacaabo Fetxulah Gulen.

Tirada hadda la xaqiijiay in shaqada laga eryay ama shaqada laga joojiyay ayaa gaaraysa 50.000 oo qof waxana ka naxay aduunka. Erdogan ayaa u muuqda nin aargoosanaya ama si fiican uga takhalusaya urur diimeed isaga la mida.

Erdogan ayaa sheegay in afgambigu ahaa mid RABAANIYA taas oo loo fasirtey in uu helay wado uu kaga takhaluso urur diimeed markii hore ay isku mabda ahaayeen laakiin hadda ay is necdebyihin.

Erdogan ayaa loogu baaqay in hakiyo dadkan uu ugaarsanayo ee aan intooda badan waxba dhimin. Dadkii ugu dambeeyay ee la qabtey ayaa waxa ku jira macalimiin iyo qlooyinka saxaafada.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.