X

Madaxweyne Buutin oo ku dhawaaqay talaabo badbaado u ah Taram

Russian President Vladimir Putin gives a speech during an awards ceremony for those who led the construction of the 19 kilometres (12 miles) road and rail Crimean Bridge over the Kerch Strait - that links mainland Russia to Moscow-annexed Crimea - in Sevastopol, Crimea, on March 18, 2020. (Photo by Alexander NEMENOV / various sources / AFP)

Madaxweynaha Ruushka ayaa mardhow ku dhawaaqay inuu dalkiisu diyaar u yahay inuu xagjir Taram u badbaadiyo saliida dalkiisa oo burbur ku dhow kadib markii Sucuudigu bilaabay inuu soo saaro saliid badan oo saaxada ka saartey saliida madow ee Maraykanka.


Taram ayaa sheegay inuu amrey Sucuudiga oo shalay kor u sii kiciyay wax soo saarka saliida gaarsiiyay 12 Milyan oo foosto maalintii inuu yareeyo laakiin haddana taas kuma odhan karo Ruushka, wuxuuse ula tagey baryo ayuu yiri Xuseen Warsame.

ā€¯Markaan la hadley madaxweynaha Maraykanka waxaan isla qaadanay inaan dhino saliida aan soo saarno ugu yaraan 10 milyan oo foosto si saliida madow ee Maraykanku u soo kabato, sicirka saliida ee aduunkuna caadi ugu soo noqoto ayuu yiri Buutin.


Inkastoo talaabada Ruushku iyaga laftooda dan u tahay maadaama sicirka saliidu dhulka gashay haddana way kareen inay ku sii hayaan si suuqaas saliida madow ee Maraykanku ku faano saaxada uga baxo sida haddaba ku dhacdey ayuu qabaa Xuseen Warsame.


Si kastaba ha ahaatee sheekadan Sucuudigu rabay inuu saaxada uga saaro Ruushka ayaa waxa ku gubtey saaxiibkiisa weyn ee xagjir Taram oo aakhirkii calaacal ula tagey Buutin. Waxase cad in markay doonaan ay Maraykanka suuqa ka saarayaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.