X

Madaxweyne Buutin oo sheegay inuu tagsiile ahaa

Madaxweynaha Ruushka Falaadhimeer Buutin ayaa sheegay inuu ahaa tagsiile intaanu shaqo ka helin caasimada Moskofa. Falaadhimeer ayaa sheegay markii uu doorashada lumiyay saaxiibkii oo u tartamayay gudoomiyaha St Petersburg oo ah magaalada uu ku dhashay ay la soo deristay shaqo la’aan.


”Tagsiile ayaan mar noqday inkastoo aanu sheegin si buuxda ugu shaqaystey. Waxyar kadib wuxuu shaqo ka helay caasimada gaar ahaan xafiiskii Boris Yelsin oo ay ka buuxeen sirdoonka Maraykanka.


Buutin ayaa sheegay in markii uu noqday madaxweynaha dalka uu ka nadiifiyay laamaha dawlada sirdoonka Maraykanka oo xataa kuraasta hore fadhiisan jirey ayagoo calankoodii wata. ”La taliyeyaasha weyn ee madaxweynihii hore waxauy ahaayeen wada sirdoonak Maraykanka waana iyaga kuwa lahaa iibi dalka iyo warshadafha.



”Waxay xitaa fadhiisan jireen xarumaha nukliyeerka aan ku faano. Midowga Soofiyeeti ayaa burburey 1991 xilligaas oo ay soo wajahday cidhiidhi dhaqaale maadaama aanu jirin dhaqaale furfurin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.