Madaxweynaha ismaamulka Somalida Itoobiya mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wafti ka socda maamulka Smaliland.
Waftiga maamulka Somaliland oo ay horkacayaan wasiirkooda arimahas dibeda iyo Cali Warancade oo sheegay in uu amro in ciidankiisu galaan Itoobiya ayaa loo fasaxay wariye sun afuufi jirey oo dawlada deegaanku dadka ka qabteen.
Kulanka ayaa lagu wargeliyay maamulka Somaliland ee halka beel ka soo jeeda in ay ilaaliyan waxa saxaafadoodu ku hadlayso ayna soo faragelin hawlaha nabadgalyo ee la xaqiijinayo amaanka.
Saxaafada maamulka halka beel ee Hargeysa ayaa afuufey iskudir ka dhexeya dadka shacabka ee wada degan is maamulka waana tan ugu weeyn ee laga waaniyay sida sawirada aad ku arkaysaan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS